July 28 (Radiowanlaweyn.com)-War goordhow naga soo gaaray Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay weerar culus ku qaaden Guriga Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka oo loo adeegsaday Hubka culus iyo kuwa fudud ayaa waxaa, waxaa barbar socday dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray ilaalada Guddoomiyaha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xiliga weerarka ayaa waxaa guriga ka maqnaa Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobo, balse waxaa guriga ku sugnaa tirro ka tirsan ilaaladiisa.

Mudada uu dagaalka socday ayaa waxaa la sheegay in halkaasi uu ka dhacay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya ayaa weerarka kadib halkaasi ka sameeyay howlgalo ay kusoo qabqabteen dad shacab ahaa oo looga shakiyay inay maleegen weerarka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo dowlada Kenya oo ku aadan weerarka