July 28 (Radiowanlaweyn.com)— Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiin ku yaalla deegaanada Lafey iyo Fino.

Anteenooyinkan ayaa ayaa kuwo ay isticmaaleysay shirkada isgaarsiinta Safaricom, iyadoo la sheegay in lagu bur buriyay miinooyin lagu xiray, dabadeedna la qarxiyay.

Taliyaha Booliska deegaanka Lafey Bosita Omukolongolo ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ka dambeeyeen falkaas, isagoo xusay in waxyaabaha qarxa ay ku xireen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ka hor inta aan la bur burin isgaarsiinta deegaankaas uu iska hor imaad dhex maray ciidamada ammaanka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowaan bur buriyay anteenooyin ay laheyd Shirkada Safaricom oo ku yaala agagaarka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya