July 28 (radiowanlaweyn.com)-Waxaa adag in faallo laga bixiyo cabsida iyo walaaca madaxweyne Erdogan ka qabay inqilaab militari oo markale la wareega xukunka dalka,kaligiis ma ahayn waxaa walaacaas la qabay Turkida muxaafadka ah ee qarniyada badan ku hoos noolaa cabsidii ka dhalatay afgambigii 1960-kii lagu dilay Raysulwasaarihii dalka Cadnaan Menderes(Adnan Menderes).
Waxaa la sheegaa in dareenkii ka dhashay afgambigaas uu sabab u ahaa in madaxweyne Erdogan siyaasada kusoo biiro.Madaxweyne Erdogan ayaa Raysulwasaarihii afgambiga iyo dilka militarigu isugu daray marar badan ku soo celceliyay inuu ahaa geesi shahiiday loona baahan yahay in Turkida maanta arintaas unoqoto cashir digniin ah.

 

Afgambigii 1997-dii ee lagu afgambiyay aabihii siyaasada ee madaxweyne Erdogan- Raysulwasaare Necmettin Erbakan iyo talaabadii kuxigtay ee lagu xidhay,siyaasadana looga fadhiisiyay Erdogan ayaa xoojisay cabsidii iyo walaacii jiray ee ahaa in cilmaaniyiintii ciroowday oo milaterigu udub dhexaad uyahayn aynan marnaba ogolaan doonin in xukunka dalka xukumad rayid ah ku wareejiyaan waliba xukumad astaan diimeed leh.

 

Loolankii iyo lagdankii soo jireenka ahaa wuxuu aakhiiran meel cidla ah oo cidi udhaxaynin mudh isaga soo yiri Erdogan iyo militerigii dalka.Sanadkii 2007, Erdogan ayaa waxa uu madaxweyne usharaxay saaxiibkii Cabdalla Gul oo ahaa ninkii xisbiga AKP la aasaasay.Taliskii militariga dalka ayaa ka horyimid in Cabdalla Gul dalka madaxweyne ka noqdo waxayna ku andacoodeen in xaaskiisu xijaab xidhato.Doodii iyo indha gaduudiskii dhexmaray Erdogan iyo taliskii militeriga waxaa ku guuleystay Erdogan oo isagoo Raysulwasaare ah saaxiibkii ka dhigay madaxweynihii dalka,arintan ayaa waxay sahashay in dastuurkii cilmaaniga ahaa ee dalka Erdogan iyo xukamdiisi wax ka badasho.

 

Laga bilaabo xiligaas Erdogan waxaa umuuqday uuna dareynsanaa in militerigu aysan marnaba ku qanacsanayn isbadalka cusub ee dalku ambaqaadayo,wuxuu qabay walaac ah in militerigu markale isku dayi doono afgembi ka dhan ah xukumadiisa.Waxaa jirtay in xukumada Erdogan xabsiyada utaxaabtay saraakiil badan oo looga shakiyay inay afgembi qorsheenayeen.Waxaa xigay in boolis badan la xidh xidhay kuwaas oo lagu eedeeyay inay maleegeen qorshe lagu fashilinayo xukumada Erdogan kadib markii boolisku arimo la xidhiidha musuq-maasuq kusoo oogay wasiiro xidhiidh dhow la lahaa Erdogan.Maxkamadaha dalka ayaa ka horyimid talaabadii uu qaaday Erdogan waxayna xabsiyadii kasii daayeen dadkii la xidhxidhay.

 

Inkasta oo uu haystay qaneecada shacabka Turkiga oo uu 10 sano kabadan Raysulwasaare u ahaa hadana madaxweyne udoortay, hadana waligiis kama bixin cabsida ah in gacanta dheer ee militerigu dul saaranatahy.Waxaa umuuqday in afgembi kusoo maqan yahay.Caqabad kasta oo ka hortimaada isaga iyo xukumadiisa wuxuu u arkay mu’aamarad ay soo maleegeen militerigu ama kooxda Fatxullaah Gulen.Reer galbeedka walaaca Erdogan waxa ay u arkayeen nin hooskiisa ka didsan oo buufis afgembi ku dhacay.

 

Erdogan waxa uu ku guuleystay in shacabka ka dhaadhiciyo fasiiraadiisa dhacdooyinka ka dhacaya gudaha dalka iyo dibadiisa.Waxa uu noqday hogaamiyaha kaliya ee cod aqlibiyad leh ku guulaysta doorashooyinka dalka,waxa uu kor uqaaday dhaqaalihii iyo sumcadii dalka arintan ayaa waxa ay caqabad ku noqotay militeriga oo ay muda dheer ku qaadatay qaabkii kufaragelin lahaa awooda sii kordhaysa ee Erdogan(One man’s meat is another man’s poison).

 

15-kii Julay 2016 waxaa rumoobay walaacii waligii uu la seexan la’aa madaxweyne Erdogan.Inkastoo dad badan ku naf waayeen hadana waxa uu Erdogan isku daygan afgembi ku tilmaamay deeq xaga ilaahay uga timid oo usahli doonta inuu ciidamada iyo hay’adaha dowlada ka nadiifiyo ‘‘fayruuska’’ ku dhex jira.Dadka siyaasada qaadaa dhiga ayaa arintan ku tilmaamay fursad dahabi ah oo Erdogan usuurta gelin doonta inuu saaxada siyaasada ka saaro koxaha mucaaradka ku ah xukunkiisa dastuur cusubna sameeyo kaas oo awooda dalka si buuxda ugu gacan gelin doona madaxweynaha.