July 27 (radiowanlaweyn.com)-Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay Alfan Rashid, oo ahaa sarkaal horay uga tirsanaa Ciidanka Millitery-ga ee dalkaasi, markii looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay ururka Al-shabaab.

Ninkan oo laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaal degaanka Kombani,kana tirsan maagaala xeebeedka Mombasa, ayaa waxaa gurigiisa laga soo helay sawirro uu galay 30-kii May ee sanadkan,Bam gacmeed iyo walxaha qarxa, kuwaasoo tuhun ku beeray laamaha ammaanka ee dalka Kenya.

Alfa Rashid, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka Odayaal lagu laayay degaanka Kwale, isagoo qayb ka ahaa rag dhowr ah oo ay laamaha ammaanku baadi goob ku yaheen.

War-bixin ay soo saareen Boliiska Kenya ayaa lagu sheegay inuu Mr;Rashid shaqada ciidan ka fariistay, markii uu Millitery-ga dalkaasi ka tirsanaa muddo 12-sano ah,waxaana la rumeysan yahay inuu haatan urur Al-shabaab u qaabbilsanaa qorista dhallinyarada doonaysa inay ku biirto Argagixisada.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhawaan Alfan Rashid la hor keeni doono Maxkamadda, si loo mariyo caddaaladda, iyadoo ballan qaadday inay dambiila yaasha kalena soo qaban doonaan laamaha ammaanka