July 27 (Radiowalaweyn.com)—Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 42,000 oo ruux oo muwaadiniin Kenyan ah ay si sharci darro ah ugaga mid noqdeen qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerada Dhadhaab.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in muwaadiniintan Kenyanka ah dib loogu celin doono bulshadooda si loo yareeyo tirada qaxootiga ee ku nool Dhadhaab taasoo la doonayo in la yareeyo dhamaadka sanadka taasoo la doonayo in laga dhio 193,000 oo ruux halka tirada ku nool xerada Dhadhaab lagu tilmaamay inay gaareyso 343,000 oo ruux.

“Waxaan ognahay in muwaadiniin Kenyan ah ay si macmal ah ay isku diiwaangeliyeen xeryaha qaxootiga si ay u helaan cunto iyo adeegyo kale oo lacag la’aan ah,”ayuu yiri afhayeenka UNHCR Duke Mwancha.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in bisha May ee soo socota la dhamaystiri doono xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab,iyadoo ay dowlada ku tilmaantay xerada qaxootiga Dhadhaab in ay halis ku tahay ammaanka dalka Kenya.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ugu baaqday wadamada deeqaha bixiya in ay ugu deeqaan $115.4 million oo dheeri ah si dib loogu celiyo qaxootiga dalkooda.

Baaqan ayaa yimid kadib markii sanadkii hore ay dalbatay lacag gaareysa 110 million taasoo illaa iyo hadda ballanqaad gaaraya $7.2 million oo kaliya.

UNHCR ayaa sheegtay dhowaan in 16,000 oo qaxooti aan Soomaali ahayn badankoodna ay ahaayeen Ethiopian laga raray Dhadhaab iyagoo dib loo dejiyay xerada kakuma.

Sidoo kale Soomaali gaareysa 15,000 ayaa sugeysa in dib u dejin loogu sameeyo Kakuma. UNHCR ayaa qorsheynaysa in 170,000 oo Soomaali qaxooti ku ahaa Dhadhaab ay si iskood ah ugu laaban doonaan dalkooda bilaha soo socota.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in tiro gaareysa 17,000 oo Soomali ah ay dib ugu laabtaan dalkooda tan iyo markii la bilaabay qorshaha dib u celinta qaxootiga.

W/D ismaaciilmire

Email: radiowanlaweyn.com