July 27(Radiowanlaweyn.com)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in xiriir adag uu ka dhex abuurmay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Madaxa Hey’adda Cilmi Baarista iyo Wada-Tashiga Somalia ahna Musharax u taagan qabashada taladadalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ugaas Beesha Xawaadle uu si hordhac ah taageero ugu muujiyay Musharaxa da’da yar, isaga oo u cadeeyay in mowqifkiisu yahay in dalka uu helo Madaxweyne dhaama Xassan Sheekh.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa Jibriil Ibraahim Cabdulle ugu bishaareerar inuu hanadoono xilka Qaran, balse waxa uu ugu baaqay in wakhtiga uu xilkaasi helo uusan lamid noqon Xasan Sheekh.

Jibriil Ibraahim Cabdulle waxa uu Ugaaska u sheegay inay ka go’an tahay in Kursiga uu ka la wareego Xasan Sheekh, isagoo carab dhabay in taariikhdu ay xusi doonto waa haddii xilkaasi uu nasiib u yeesho.

Jibriil Ibraahim Cabdulle, waxa uu sidoo kale, Ugaaska ka dalbaday in taageero uu uga raadiyo shaqsiyaadka awooda u yeelan doona codbixinta ee ka imaandoona dhanka Gobolka Hiiraan iyo waliba kuwa uu taageerada ka heysto.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa Jibriil u ballanqaaday inuu garabsiin doono si uu uga itaal-roonaado Madaxweynaha xilka uu kasii dhamaanaayo Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa xiliga doorashada ka hor yeelanaaya Kooxo mucaarad ah oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Odayaal