July 27(radiowanlaweyn.com)-War Goordhaw soo dhacay laguna kalsoon yahay ayaa sheegaya in la magacaabay Taliyaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxaana xilkaasi loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Waxaa xilka Taliyaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya laga qaaday horeyna u hayay Gen. Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo isna dhawaan si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa ahaa sargaal lasoo shaqeeyay Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya, waxa uuna horey usoo noqday Taliyihii Nabad Sugida gobolka Banaadir.