July 27 (radiowanlaweyn.com)-Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Waqtigiisa sii dhamaanayo ee Soomaaliya ayaa amar adag kusoo rogay Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Somalia C/risaaq Cumar Maxamed waxaana Wasiirka uu ku wargaliyay inaanu dalka uga bixikarin Safaro aan micno laheyn, isagoo kaga digay inuu indhaha ka qabsado amni xumada ka taagan Muqdisho.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa Wasiirka faray inuu u jajabnaado howshiisa, haddii taa laga waayana uu xilkiisa ku weyn doono.

Xasan Sheekh ayaa C/risaaq Cumar u cadeeyay inuusan aqbali doonin in xilkiisa uu ka gaabiyo, wuxuuna ku amray in magaalada Muqdisho oo nadiifiyo ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada.

Waxa uu ku amray in magaalada Muqdisho uu ka fuliyo howlgalo lagu dardar galinaayo amniga, isagoo kaga digay inuu ka mashquulo howshiisa kuna mashquulo safaro iyo shaqo ka gaabin.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa aad uga walaacsan in dalka uu ka dhaco amni darro looga soo horjeedo dib u dhaca ku imaankaro doorashada.

Canaanta Xasan Sheekh waxa ay muujineysaa in dalka uu galaayo xaalad adag oo suuragalinkarta fowdo iyo qalalaaso amni darro.