July 27 (radiowanlaweyn.com)— 44 ruux ayaa lagu dilay qarax aad u xoogan oo gil gilay magaalo ay maamulaan Kurdiyiinta oo ku taal waqooyi bari dalka Suuriya.

Qaraxan oo sababay gaari kuwa xamuulka ah, kaasoo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa lala eegtay xarun ciidamada ammaanka ku leeyihiin magaalada Qamishli ee ka tirsan Gobolka Hassakeh oo ku dhow xuduuda Suuriya.

Kooxda la magac baxday IS ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxan oo ahaa ahaa mid aad u xooggan oo bur buriyay dhismayaal dhowr ah

IS ayaa muddooyinkii la soo dhaafay weerark is qarxin ah ka fulineysay deegaanada ay maamulaan xooggaga Kurdiyiinta.

Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Dagaalyahanada Kurdiyiinta oo taageero ka helayay Xulafada uu hogaamiyo Mareykanka ay weeraro ka dhan ah IS ku qaadeen gobolka Hasskeh.

Telefishinka dowladda ayaa soo bandhigay bur burka dhismayaasha uu saameeyay qaraxa, iyadoo qiic iyo uuro ay ka baxayeen goobaha.