27 July(Radiowanlaweyn.com)Sida ay sheegayaan illo wareedyo muhiim ah waxaa mugdi uu soo kala dhex galay xariirkii weynaa ee u dhaxeeyay dowlada imaaraadka Carabta & Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh waxaana Hakatka iyo kala fogaanshiyaha ka dhextaagan Xasan iyo Imaaraadka yimid kadib markii dowladaasi ay taageero lixaad leh u muujisay Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah musharaxiinta u taagan doorashada.

Dowlada Imaaraadka oo horay ballamo ugu sameysay Xasan Sheekh, ayaa waxaa iminka ay gaabis galisay xiriirka iyo axdiga, iyada oo Siyaasadeeda u weecisay dhanka Sheekh Shariif oo xiligaani ka tayo badan Hogaanka iminka haya dalka.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xasan Sheekh uu Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia ku eedeeyay inuu yahay shaqsi kala geynaaya Soomaalida islamarkaana uu ku kacay qiyaano, waxa uuna haddalkaasi yiri xili ay ku kulmeen Aqalka dalka looga arrimiyo.

Xasan Sheekh ayaa ku xisaabtamaayay dowlada Imaaraadka waxaana jira macluumaad sheegaya in Madaxweynaha uusan heli doonin dhamman dhaqaalihii ay u ballanqaaday Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa qeyb ka ah dowladaha xiligaani faraha kula jira siyaasada Somalia, waxa ayna taageero iska soo horjeeda u kala fidineysaa musharaxiinta kala ah Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif