July 26(Radiowanlaweyn.com)-Xarakada Al-Shabaab ayaa war deg deg ah ka soo saaray Weeraradii loo adeegsaday Gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay Masuuliyada Qaraxyadaasi oo ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Albaabka laga galo xerada xalane oo aad ugu dhaw garoonka.

Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 12, ruux, waxana gaadiidka gurmadka deg deg ah ay weli ku mashquulsan yihiin daabulida dadkii ku wax yeeloobay Halkaasi