July 26 (Radiowanlaweyn.com)-Jugta Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaweyd waxaa laga maqlay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas aad u xoogan.
Ilo Wareedyo kala duwan oo Shabakada Badweyn.com ay la xiriirtay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Xeendaabka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,
Qaraxu ayaa waxa uu ka dhashay gaari miineysan oo la dhigay goobtaasi, sida ay Goobjoogayaal u sheegay.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay inay qaraxaasi ku geeriyoodeen dhowr qof, kuna gubteen gaadiid badan oo yaalla barta la dhigo Gaadiidka Dadweynaha.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ka soo gudbay jid cade hareer mara Hotelka Aljazeera oo aan ka fogeyn Nawaaxiga uu ku yaallo Garoonka Diyaaradaha.
Ciiddan badan ayaa la geeyey Garoonka Diyaaradaha, waxaana aad loo adkeeyey Isku-socodka dadka iyo gaadiidka gala Garoonka.
Ku dhawaad 3 askari oo kamid ah ciidamada AMISOM iyo lix kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen dadkii ugu horeeyay ee tagay goobta qaraxa uu ka dhacay.
Wariyaasha ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxa koowaad uu xigay qarax kale oo ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, kaasi oo isna gaari loo adeegsaday.
Laamaha amaanka ayaanan ka hadlin qaraxa, waxaana ciidamada AMISOM la sheegay iney ahaayeen kuwa gaarka u ah UN-ka kuwaasi oo ka socdo dalka Uganda.
Wadooyinka gala garoonka diyaaradaha ayaa la xiray, waxaana aad loo adkeeyay amaanka garoonka iyo wadooyinka ku hareereysan

warar hada na soo gaarey ayaa waxay sheegayaan in 12 qof oo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah ay ku dhinteen weerarkaasi, iyadoo la xaqiijiyey dhaawaca 2 ruux balse khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Waxaa burbur uu soo gaaray dhismayaal ku dhowaa halka qaraxyadan ay ka dhaceen, mana jirto wax war ah oo saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM kasoo saareen qaraxyadan.

CoRSKOfVUAUVqkB-768x1024Qarax-1 Qarax-2 Qarax-3