July 26(Radiowanlaweyn.com)Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday gacan ku haynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Kumaandooska Somaliya oo shalay galab Shabaabka kala wareegay Degmadaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay dib u qabsashada Shabaab ee Degmada Awdheegle inay timid, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidamada Kumaandooska Somaliya, Shabaabna ay soo galeen Magaalada.

Wax dagaal ah kama uusan dhicin xilligii Shabaabka ay la wareegayeen Degmada Awdheegle, hayeeshe markii Shabaab laga qabsanayay Degmadaasi ayaa waxaa dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada gudaheeda.

Xaalada Degmada Awdheegle ayaa degan, iyadoo saacadihii la soo dhaafay gacan ku haynteeda ay isku bed bedeleen ciidamada Shabaabka iyo kuwa Dowladda.

Ciidamada Shabaabka ayaa ku sugnaa Deeganka Mubaarak oo aanan ka fogeyn Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo ay ka soo dhaqaaqeen markii ay maqleen ciidamada Dowladda inay ka baxeen Degmada Awdheegle.

Kumaandooska Somaliya oo ah ciidan si aad ah u tababaran ayaa waxa ay fuliyaan weerarada qorsheysan ee ay ku hujuumaan Deeganada Shabaabka ay ku sugan yihiin ee Gobolada dalka.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya weli faah-faahin kama aysan bixin dib ula wareegida ciidamada Shabaabka Degmada Awdheegle.