July 25 (Radiowanlaweyn.com)-Sida aan kasoo xiganay illo xog ogaal ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Maal-maha nagoo wajahan Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana Sheekh Shariif magaalada laga sugaayay maalintii Axada ee lasoo dhaafay, hase yeeshee waxaa lasoo warinayaa in dib u dhac uu ku imaaday safarkiisa.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Sheekh Shariif uu magaalada Muqdisho kusoo beegan yahay 29-ka bishaani waa haddii uusan dhicin isbedel iyadoo Soo dhaweynta Ex Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif ay ka qeybqaadanayaan xubnaha Beesha caalamka ka jooga Somalia, waxaana amaankiisa loo xil saaray ciidamada AMISOM.

Amaanka Sheekh Shariif ayaa waxaa sidoo kale loo diyaariyay ciidamo la sheegay in tiradooda ay kor u dhaafeyso 200 kuwaasi oo laga soo dhex xulay ciidamadii uu horay u maamuli jiray Sheekh Shariif.

Ujeedka ugu weyn ee booqashada Sheekh Shariif ayaa ah in magaalada Muqdisho uu kasii bilaabo ololaha doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in mudada ka harsan doorashada uu kusii nagaan doono magaalada Muqdisho.