July 25(Radiowanlaweyn.com)-Waxaa dhowaanahan hareeyay baraha bulshada Soomaalidu ku xiriirto dood ku saabsan sawir laga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo hurdo la tagtay xilli uu saarnaa Bas gudaha xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo uu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Mareykanku u tababaray Soomaaliya.

Sawirka oo uu bartiisa Facebook soo dhigay darwal ka mida shaqaalaha Balidoogle oo si qaraaxo iyo kaftan ku jiro ula wadaagay saaxiibadii, ayaa u keenay in isagii shaqada laga joojiyo, muddana la xiro, laakiin waxaa ka darran dad fara badan oo hurdada ama lulumada qabatay madaxweynaha uga dhigay caay iyo inuu yahay qof aan xil qaadi karin.

Waxay dadkaasi iloobeen in bani’aadamku taag darran yahay oo gamaanyo iyo hurdo ku qaban karto xaalad kasta iyo meel kasta.

SAWIRADA HOOSE WAXAY MUUJINAYAAN MADAX KALA DUWAN OO KAAMERADU QABATAY IYAGOO SHIRAR KU JIRA CAALAMI AH QAARKOOD OO HADDANA AY HURDO LA TAGTAY WAAXANA KA MID AH MD XASAN SHEEKH.

M-1MADAXWEYNAHA SOOMALIYA SAWIR LAGU XADAY ISAGOO BAS DHEXDIIS HIRDAYA

M-2Silvio Berlusconi Raisal wasaarihi hore ee talyaaniga oo shir casho ah ku hurdey

M-3Raisal Wasaaraha Japan Shinzo Abe oo hurdo ku qabatey Xaflad madax badan ka qaybgalen

M-4Baadriga ugu weyn kaniisada katoliga pope Bendic XVI oo hurda xili hawl culus socotoM-5Madaxweynihii hore ee Nayjeriya Obosanjo oo hurda goob xaflad ka dhacaysey

M-6Madaxweynaha Simbabwe Robert Mugabe oo hurda shir Midowga afrika leedahayM-7Raisal wasarihi hore ee ingiriiska Golden Brown oo hurdo la dhacay shir Golaha Amaan ee qaramada midobey ee arrimaha ciraqM-8Raisal waraha Jarmalka oo hurdo la dhacdey goor uu socdo shirka midowga yurub