July 25 (radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Aadan Cadde ka mamnuucay in lagu soo dhaweeyo Musharaxiinta u taagan loolanka doorasho ee dalka.

illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Amarkaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu siiyay Taliyayaasha laamaha amaanka ee gacanta ku haya amniga Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xasan sheekh waxaa la sheegay in keliya uu amar ku bixiyay in Musharaxiinta ay kaligooda kasoo dagaan Garoonka balse aan loogu dhex sameyn karin Garoonka mashxarad iyo soo dhaweyn ballaaran.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale, ka digay in dhagihiisa ay kusoo dhacaan Musharaxiin kasoo degta Garoonka oo lagu soo dhaweynaayo calamo iyo laamo qoyan, balse waxa uu ka gaabsaday in musharaxiinta xaflado ay ku qabsankaraan gudaha dalka iyo in kale.

Madaxweynaha dalka ayaa sabab uga dhigay diidmadaasi qalqal ku imaankara amniga Garoonka, balse waxaa la rumeysan yahay inuu ugu gol leeyahay caburinta Musharaxiinta doorashada kula loomeysa, waaba haddii ay dhacdo doorashada la filaayo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Madaxweynaha ugu meylka adag ee Somalia soo maray tan iyo wixii ka danbeeyay burburka ku habsaday Somalia.