July 25 (Radiowanlaweyn.com)— Dowlada Turkiga ayaa soo saartay amar lagu xirayo 42 saxafi oo ka shaqeeya qeybaha kala gedisan ee warbaahinta dalka Turkiga.

Saxafiyiinta la amray in la xiro ayaa la sheegay in uu kamid yahay saxafi caan ah horena u soo noqday mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Turkiga Nazli Ilicak.

Maamulka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ama baaritaan ku sameeyay dad gaaraya lixdan kun oo ruux oo isugu jira ciidamo Milatari, boolis, xaakimiinta maxkamadaha, macalimiin iyo shaqaale rayid ah.

Warku wuxuu intaa ku daray in masu’uliyiinta Turkiga  ayan wax tafaasiil ah ka bixinin amarkaas, balse waxaa loo badinayaa  in uu qeyb ka yahay  oloolha baarsita ah oo lagu ogaanayo dadkii ku lug lahaa Inqilaabkii laga hortagay ee la doonayay in xukunka laga tuuro Dowladda hadda ka dhisan Turkiga.

Dawladda Turkiga, ayaa Todobaadkii tagay soo saartay xukun deg deg ah  oo lagu soo rogay Gobolada Turkiga, kaasoo socon doono muddo Saddex bilood ah.