July24(Radiowanleweyn.com)-Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Daahir Maxamuud Geele oo ah Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Sacuudiga ay u heshiiyen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax iyo Daahir Geele ay Xasan Sheekh ka xireen xiriirkii siyaasadeed ee kala dhexeeyay dowladaha carabta ee horay u ballanqaaday inay ka caawin doonaan dhanka doorashada.

Dowladaha ay labadaasi mas’uul ka carqaladeeyen Xasan Sheekh ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Qadar, Masar iyo Sacuudiga oo durba bilaabay inuu u deyriyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Daahir Geele ayaa waxa uu xiriir fog kala dhexeeya dowladaha carabta ee inta badan gacansiiya dowlada Somalia, waxa uuna arrinkaani imaaday kadib markii Xasan Sheekh uu xumeeyay saaxiibkii Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale, la sheegay in Danjire Daahir Geele uu ku wargaliyay inuu ka qaadi doono xilka Safiirnimo, taasi oo sabab u noqotay in Mr Daahir Geele uu ka gaashaanto dagaalka cusub ee uu ku hayo Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilihii ugu danbeeyay iska fogeynaayay inta badan asxaabtiisa waxa ayna tani ku noqoneysaa caqabad hor leh oo kaga imaaneysa dhanka ololihiisa.