July 24 (Radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu Magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxda Sare ee Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, xilli Sarkaal u dhashay dalka Jabuuti laga dhigay Taliyaha Guud ee Amisom.

General Cismaan Nuur Subagle, ayaa waxaa loo doortay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waana markii ugu horeysay oo Taliye ka socdo Jabuuti laga dhigo hormuudka Amisom.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Caetano Jose Madeira, haweeneyda ku xigeenadda u ah ee lagu magacaabo Lydia Wanyoto iyo General Cismaan Nuur Subagle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kulankan ku wehlinaayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Kulankan oo ahaa mid is barasho, ayaa la isugu keenay Madaxda Dowladda Somaliya iyo Taliska cusub ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxay Taliska Amisom ku adkeeyeen xoojinta hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro dhulka ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya oo toddobaadkii hore kormeeray Xerada Ciidanka Cirka Ballidoogle, ayaa Ciidamada Dowladda ku adkeeyay in ay qaadaan guluf ka dhan ah mintidiinta.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, xilli Amiirka Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeydah) uu laba toddobaad ka hor ku hanjabay in ay ka hortaggi doonaan doorasho sanadkan ka dhacda dalka.

Madaxda Madaxda1 Madaxda2 Madaxda5