July 24 (Radiowanlaweyn.com)_Hoggaamiyaha Al Qaacidda Sheekh Ayman Al dawaahiri ayaa tacsi u soo diray Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Sheekh Xasan Turki) oo geeriyooday muddo laga joogo in ka badan sanad oo ku beegneyd May 2015.

Qeybta Warbaahinta ee Alshabaab ayaa baahisay fariin soconeysa 42 daqiiqo oo daqiiqad ka mida hogaamiyaha Alqaacida uga hadlay geerida Sheekh Xasan Turki.

Hogaamiyaha Alqaacida ayaa kuammaanay Sheekh Xasan Turki halgankii jihaadka ee ka socda Bariga Afrika, Wuxuuna tacsi u diray dadka iyo mujaahidiinta uu ka baxay Sheekha.

Ayman Al-dawaahiri ayaa sheegay in lixdameeyadii uu Xasan Turki bilaabay Jihaadka Bariga Afrika, isagoo Soomaaliya ku soo dhoweeyay dagaalyahanno mujaahidiin ah oo caalamka isaga kala yimid, sida uu yiri.

Al Dawaahiri ayaa shaaciyay in Sheekh Xasan Turki uu beyco (Balan) la galay Sheekh Usaaama Bin Laaden Hoggaamiyihii iyo asaasihii Al Qaacida.

Waqtiga ay ku qaadatay tacsida Sheekh Xasan Turki ayaa hogaamiyaha Alqaacida laga dareemi karaa inuu si weyn uga go’an yahay caalamka intiisa kale