July23 (Radiowanlaweyn.com)-Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Raadiyowanlaweyn.com ayaa sheegaya in goordhaw uu qarxay gaari uu lahaa Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ah Gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed

Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ee loo yaqaan Crown ayaa lagu soo xiry waxyaabaha qarxa , waxa uuna gaariga ku qarxay laamiga Maka Al-Mukarama gaar ahaan kasoo horjeedka Hotelka Wehliye.

Sida aan Wararka ku heleyno gaariga ayaa xiliga uu qarxayay waxaan saarneen Sheekh Cali Yuusuf Ceynte, waxa uuna gaariga uu yaalay laamiga dhinaciisa, waxaana inta laxaqiijiyay dhaawac fudud uu qaraxasai kasoo gaaray qof laamiga marayay.

Ciidamada amaanka ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay iyagoona halkaasi ka sameeyay baaritaan, mana jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan gaarigiisa loogu soo xiray Sheekh Yuusuf Ceynte.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ah Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed , waxa uuna horey usoo noqday Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii KMG Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Qaraxyada lagu xiro baabuurta gaarka loo leeyahay ayaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, iyadoo horay loogu dilay qaraxyadaas Wariyeyaal, saraakiil ciidan, Ganacsato iyo dad kale