July 31 (Radiowanleweyn.com)— Madaxweynaha Turkiga Recep tayyib Erdogan ayaa kordhiyay waqtiga la sii heysan karo dadka afgambiga loo xirayo, iyagoo aan Maxkamad la soo taagin.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Madaxweyne Erdogan uu xukun deg deg ah ku soo rogay dalka, kadib afgambigii dhicisoobay.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in muddo 30 maalmood xabsiga lagu sii heynayo dadka lagu soo eedeeyay afgambiga.

Sidoo kale waxaa Tamar lagu bixiyay in albaabada loo laabo in ka badan 1,000 iskuul iyo illaa 1,200 oo urur, kuwaasoo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin wadaadka lagu magacaabo Gulen.

Tan iyo markii uu dhacay isku daygii afgambiga waxaa socday howl galada lagu qab qabanayo dadka lagu eedeynayo inay ku lug leeyihiin afgambigaas.

In ka badan lix kun oo ruux oo u badan askar iyo saraakiil ayaa loo xiray isku daygaas afgambiga.