July23(Radiowanlaweyn.com)-Ninkii qaaday sawirka madaxweyne Xasan Sheekh oo hurdaya xilli uu booqanayay Saldhigga ciidamada ee Balidoogle ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay sheegayaan warar laga helay madaxtooyada.

Ninkan ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Balidoogle wuxuuna fursad u helay inuu gaari la raaco madaxweyne Xasan Sheekh iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida gudaha Balidoogle, waxaana sawir selfie ah oo uu baska dhexdiisa ku qaaday ay qabatay Xasan Sheekh oo kursigii uu ku fadhiyay uu ku gam’ay.

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Faarax ahaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirkaasi isagoo ku kaftamay inuu yahay Laandheere gaari ku ritay madaxweynaha Soomaaliya, laakiin natiijadii arrintaasi ayaa dhalisay in shaqadii laga eryo, xabsigana loo taxaabo.

Xasan Faarax ayaa saacad ka dib bartiisa Facebook ka saaray sawiradii uu soo dhigay ee madaxweynaha oo hurdaya kadib markii cadaadis uga yimid dhinacyo kala duwan, laakiin taasi ma ahayn mid ku filan oo waxay ahayd xilli sawiradii baxeen oo boqolaal jeer la qeybiyay.

Dad badan ayaa ka hadlay madaxweynaha hurdaya xilli uu shaqo ciidan ku socday, waxaana warbaahinta qaarkeeday ka dhigtay dacaayad, laakiin arrintan oo dhan waxay galaafatay ninkan arrinta oo dhan ka dambeeyay ee Kaameradiisu qabatay Xasan Sheekh oo Bas ku dhex hurdaya

xasan-hurdo-768x433 xasan-hurdo1-1-768x433 Xasan-Farah