July 23 (Radiowanlaweyn.com)-Iyadoo Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu tuhun ka qabo wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen ee ka danbeeyay Afganbigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa waxaa Xafiiska Madaxweynaha dalkaasi soo gaaray dhambaal cusub oo kaga imaaday dhanka Fethullah Gulen.

Dhambaalkaani cusub ee uusoo diray Fethullah Gulen, ayaa waxa uu fajac galiyay Madaxweyne Erdogan, kadib markii eedeysanahaasi uu fakir usoo jeediyay Erdogan iyo dowladiisa.

Fethullah Gulen, waxa uu dhambaalkiisa ku sheegay in dowlada Turkiga looga baahan yahay inay gacan bir ah ku qabato canaasirta lagu tuhmaayo Inqilaabkii fashilmay, waxa uuna sidoo kale sheegay in shaqsi ahaantiisa uu qabo in dadkaasi lagu rido xukuno aan kasoo laabasho laheyn.

Fethullah Gulen, waxa uu Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ugu baaqay la xaqiijiyo waxa sababta u ah in Kooxo tiro iyo tayo yar ay isku dayaan inay Inqilaabaan dowlada iyaga oo u xuub siibanaaya in Turkiga uu galo gacan shisheeye.