July 23 (Radiowanlaweyn.com)Waxaa aad saameyn u reebtay Baasaboorka Soomaaliland ee Turkiga laga Aqoonsaday taasi oo dhaawac ku ah midnimadii Soomaali weyn iyadoona weli arintaan aysan ka hadlin Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Aqoonyahan Cabdiraxmaan Dubad waxa uu sheegayaa in Turkiga uu ku fududaaday Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliland ayna ka naxeen maqalka warka Qunsuliyada Turkiga Ee Somaliland ku dhaqaaqda
Dr Cabdiraxmaan Dubad ayaa sheegay inuu ku simbiririxooday warkaasi Safiir Mustafa islamarkaana ay arintaasi keeni karto dhaawac ku yimaada xiriirka wanaagsanaa ee Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya uu kusugan yahay magaalada muqdisho loogana baahnaa hadii ay wax aqoonsanayaan in isaga uu yeesho marjaca ugu dambeeyo.