July23(Radiowanlaweyn.com)-Ciidanka Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa shaaciyey iney caawa magaalada Muqdisho ku qabteen gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Sarkaal ka tirsan NISA ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in gaariga la dhigay goob ay bulshadu ku badantahay oo ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir lana doonayey in halkaas lagu qarxiyo, balse la fashiliyey.
Qabashada gaarigan ay saraakiisha NISA waxay sheegeen iney gacan siiyeen dadka degaanka oo ku soo war-galiyay ciidamada inay ka shakiyeen gaari waddada lasoo dhigay.
Ciidamada NISA ayaa la sheegay iney furfureen qaraxyada gaariga saarnaa, waxaana la xiray goobta uu yaalo gaarigan oo ciidamadu diideen in loo dhowaado