Ciidamada amaanka ee dalka Brazil ayaa khamiistii shalay hawlgal ku qabtay 10 kamid ah taageerayaasha Kooxda Daacish oo qorsheenayey weeraro lagu qaado ciyaaraha Olympikada.

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay baadi goob ugu jireen hub ay soo gataan, hubkaasi oo la damacsanaa in lagu weeraro xarumaha ay ka dhacayaan ciyaaraha Olympikada oo wadankaasi ka bilaabanaya bisha soo socota.

Dowlada Brazil ayaa sheegtay inay weli baadi goob ugu jirto 2 qof oo kale oo kamid ahaa kooxdaasi ku nooleyda gudaha wadanka Brazil.