22July2016(Radiowanlaweyn.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Xoogan oo Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo ku bilaawday qoryaha nuuca garbaha laga tuuro (RPG) ayaa waxaa lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Burundi ee qeybta ka howlgalka AMISOM ee Duleedka Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.
Intaasi kadib ayaa waxaa xigay Dagaal Culus oo dhexmaray Kooxihii hubeysnaa iyo Ciidamada Burundi, inkastoo aan weli la soo sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkaasi.
Sikastaba, Weerar dhowr ah oo lagu qaaday Xarumaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa siyaabo kala duwan waxaa mas’uuliyadoodu u sheegtay Xarakada Al Shabaab.