22 July 2016(Radiowanlaweyn.com)-Waxaa maalintii labaad Xabsiga Godka jilicow ku xiran Gudoomiyaha Xarunta Cilmi baarista & tababarada ee Muqdisho Abdiwahab Cali Muumin, Ku-xigeenkiisa Abdirahmaan Ibraahiim Cabdi & Xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha howlwadeenada Mogadishu Centre for Research and Studies.
Shalay galinkii danbe ayaa Ciidamada NISA waxay gudaha u galeen Xarunta iyadoo baaritaan adagna ku sameeyey xarunta, waxaana markii dambe loo dhaadhicyay godka jilicow xubno ka tirsan masuliyiinta iyo shaqaalaha xaruntan.
Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee xabsiga loo xirxiray raggan ka tirsan xaruntan sameysa cilmi baarista oo la aasaasay bilowgii sanadkii 2013, waxaana la sheegay iney ka diiwaangashan tahay Wasaaradaha arimaha gudaha & wasaaradaha kale ee ku shaqada leh.
Waxaa maanta hakad gallay howlihii xarunta iyadoo maalmaha Jimcaha lagu qaban jiray tababaro & maktabad laga daalacan jirtay cilmiga bulshada, iyadoo qaar ka mid ah ardaydii ku taxnaa xaruntan dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo masuuliyiinta xiran.