Manchester United ayaa markaan sameyneysa suuq gal weyn iyadoo si aad ah loola xiriirinayo Paul Pogba oo ka tirsan kooxda Juventus, 23-jirkaan heerka caalami ayaa doonaya inuu dib ula midoobo kooxdisii hore isla markaana uu ku tago lacago rikoor ah.

Jose Mourinho ayaa sameeyay sadex saxiix oo muhiim ah wuxuuna Old Trafford keenay Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Eric Bailly, markaanna waxey qarka u saaran tahay iney Paul Pogba ka dhigto saxiixa ugu qaalisan dunida kubadda cagta.

Shabakadda Goal.com, ayaa soo saartay shax afar gees ah oo ay ku cabirtay sida ay noqon karto shaxda Manchester United, waase hadii ay kooxxdaan heesho Paul Pogba.

Shax Ciyaareedka: 4-2-3-1

P1

Shaxdaan waxey ku qaabeysan tahay shax difaaceed waxaana Pogba uu dhexda la wadaagayaa Carrick, sidoo kalana Rooney ayaa noqday booska 10-aad halka Mkhitaryan iyo Martial ay caawin doonaan Zlatan Ibrahimovic.

Shax Ciyaareedka: 4-3-2-1

P2

Shaxdaan waa mid laba afle dhanka weerarka ah, waxaana caawin doona Henrikh Mkhitaryan, balse Pogba wuxuu kasoo muuqday khadka dhexe Bastian iyo Carrick ayuuse dhexda la wadaagayaa, daafaca Red Devils isbadal ma lahan iyo shaxda kusoo bilaabaneysa badi.

Shax Ciyaareedka: 4-3-2-1

P3

Paul Pogba ayuu ka dhigi doonaa Mourinho mid (xor ah) oo meel walba ciyaari kara shaxdaan, balse Rooney ayaa doorkiisa isbadal ku dhici doonaa madama uu ka ciyaari doono garabka weerarka, Mkhitaryan iyo Martial ayaa sidoo kale caawin doona Ibrahimovic.

Shax Ciyaareedka: 4-1-4-1

P4

Dooq kale ayaa u furan Jose Mourinho, waxaana kali ku ah weerarka Mourinho oo si gaaban caawinaad uga heli doona Pogba, Rooney, Martial iyo Mkhitaryan oo si xiriir ah khadka dhexe u ciyaari doona.