July 21 (Jowhar)— Jaamacada Somaville ee magaalada Muqdisho ayaa deeq waxbarasho Jaamacadeed siisay Axmed Maxamed Cali oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lixdan sano jir ah kana mid ahaa ardaydii u fariisatay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.

Axmed Maxamed Cali oo loo yaqaan Axmadey Saney ayaa ka mid ahaa ardayda u fariisatay imtixaanka dugsi ku yaal degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. Waxana uu Axmadey Saney soo jiitay indhaha caalamka kadib markii saxaafada dalka Soomaaliya ay baahisay inuu ka mid noqday ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dalka Soomaaliya dhowaan.

Mas’uuliyiinta Jaamacada Somaville ayaa waxa ay  sheegeen in ay deeqdan ka mid tahay deeqo waxbarasho oo ay jaamacada ugu talogashay shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in ay mudnaan siiyeen Axmadey Saney oo ah arday lixdan sano jir ah oo haatan doonaya in uu aqoontiisa gaarsiiyo heer jaamacadeed.

Axmedey Saney oo booqday xarunta Jaamacada Somaville ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay deeqdan waxbarasho oo ay jaamacadu siisay uuna jecel yahay in uu soo dhamaysto waxbarashadiisa jaamacadeed.

“Waxaan doortay in aan ka mid noqdo ardayda jaamacada kulliyadeeda caafimaadka maadaama aan weligey ku riyoon jirey inaan noqdo dhakhtar umadiisa ka caawiya daweynta cudurada”ayuu yiri Axmedey Saney oo ka hadlayay kulliyada uu wax ka baranayo jaamacada Somaville.

Axmed Maxamed Cali ayaa waxa uu ka mid noqon doonaa ardayda wax kabarata jaamacadaha magaalada Muqdisho waxaana laga yaabaa in uu noqdo ardayga ugu da’ada weyn ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka Soomaaliya.