22july(Radiowanlaweyn)-Waxaa warbixin ay soo saartay Hay’ada Socdaalka Adduunka Ee IOM ayaa lagu sheegay in Seddex Kun Muhaajiriin ah ay Badda ku dhinteen xilli ay doomihii lasocdeen la qalibmeen.
Wararku waxay sheegayaan in dadkaasi qaar ay baddu laqday kuwaasi oo iyagu ahaa kuwo magan galyo uraadsaday Qaarada Yurub.
Jimcaha manta ah ayaa Hay’ada IOM waxay soo saartay Warbixintaasi kuna sheegtay in Seddex Kun Qaxooti ah ay noloshooda ku waayeen Badda Mediterranean Sanadkaan 2016-ka.
Afhayeen uhadlay Hay’ada IOM oo lagu magacaabo Joel Millman ayaa ku sheegay Shir saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Geneva Ee Dalka Swizarland inay hayaan macluumaadka ah 2,977 ay ku dhinteen Badda xilli ay nolol raadis ahaayeen.