Tababare Jose Mourinho ayaa soo xushay sadexda xidig ee ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta, waxaana layaab noqotay inuusan ku darin Cristiano Ronaldo oo ay dhalasho wadaagaan sidoo kalana uu kusoo maamulay kooxda Real Madrid muddo sadex sano ah.

Daily Express ayaa Jose Mourinho weydiisay su’aal aheyd bal inuu doorto sadexda xidig ee ugu fiican kubadda cagta sida uu aaminsan yahay taariikhda, macalinka haatan ee Manchester United ayaana doortay (Lionel Messi, Pele Iyo Diego Maradona).

Tan iyo markii uu hadalkaas yiri, waxey noqotay sheekada ugu hadal heynta badan baraha bulshada taasoo keentay xitaa in wiilkiisa uu kusoo dhigay doorashadiisa barta twiter-ka.

Saxaafadda Spain ayaa qudheeda layaabtay doorashada Mourinho iyo inuusan dooran Cristiano Ronaldo, kuna darso in CR7 uu ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 2012 isagoo ka hoos ciyaaraya Jose Mourinho.

Jamaahiirta Los Blancos ayaa qudhooda caro ka muujiyay doorashada Mourinho, waxeyna aad uga caroodeen markii uu doortay Lionel Messi oo ka tirsan Barcelona oo ay si ba’an u xifaaltamaan.

Dhanka kale, kaliya layaabka kuma koobna CR7, balse sidoo kale wuxuu ka reebay Zlatan Ibrahimovic oo uu dhawaan ku sheegay inuu ka mid yahay weeraryahanada ugu fiican dunida markii uu si xor ah kula soo saxiixday.

“Zltan uma baahna barasho. Xaqiiqooyinka ayaa ka hadlaya nafsadiisa” Ayuu yiri JM, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Ibra waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican dunida, waana ciyaariyahan mar walba kusiin kara 100%”