July 22 (Radiowanlaweyn)—Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 ruux lagu diley rasaas ka dhacday xarun ganacsi oo ku taal magaalada Munich dalka Jarmalka iyadoo howlgalo ay ka wadaan ciidamada Booliska dalka Jarmalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la go’odoomiyay deegaanka ay xaruntan ku taal oo lagu sheegay magaceeda Moosach balse ma jiro faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan rasaastan ka dhacday goobta ganacsiga.

Ciidamada ammaanka ayaa feejignaan la geliyay dalka Jarmalka tan iyo markii qof mindi wata uu ku weeraray dad rakaab ah oo saarnaa tareen Isniintii aynu ka soo gudubnay.

Diyaarado helikabtaro ah ayaa dul haadaya halka ay dhacdadan ka dhacday iyadoo shaqaalaha xaruntaas ganacsina aysan awoodin inay ka baxaan. Booliska magaalada Munich ayaa u sheegay dadka inay ka fogaadaan deegaankan