22July2016(Radiowanlaweyn.com)Iyadoo Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta lagu shaaciyay in uu dhintay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Guulleed ayaa arintaasi culus waxaa si degdeg ah kaga hadlay Maamulka Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar maamulku uu sheegay in la faafiyey oo ka hadlayey xaaladda caafimaad ee madaxweeynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo arrimo caafimaad u jooga dalka Hindiya.
Wasiir ku xigeenka cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug Maxamud Guure Guuleed ayaa sheegey in Madaxweynuhu uu caafimaad qabo.
Madaxweyne Guuleed ayaa dhowaan warar soo baxay ay sheegayeen in xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad halis u ah iyadoo maamulka uu Xaqiijiyay in lagu sameeyay qaliin dhanka wadnaha ah