WELI WAA DHAAWAC: CR7 oo jilibka ka duuban isagoo fasax ku jooga Ibiza 

Cristiano Ronaldo ayaa tilmaamay inuu isha ku hayo inuu garoomada dib ugu soo laabto isagoo ka xoogan sidii hore xilli ciyaareedka soo aadan 2016 illaa 2017 inkastoo uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray finalkii Euro 2016 ee uu xulkiisa Portugal guusha ka gaaray xulka France.

Xiddiga kooxda Real Madrid, oo door muhiim ah ka ciyaaray inay qarankiisu ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyey ee weyn, ayaa garoonka ka baxay isagoo ilmeynaya ka dib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray daqiiqadii 25aad ee ciyaarta taasoo keentay in garoonka bareelo looga saaro.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Britain, 31 sanno jirkaan ayaa wuxuu qabaa dillaac jilibka ah, halka wargeyska Isbaanishka ah Marca uu caddeeyey in aysan u badneyn inuu garoomada kusoo laabto ka hor kulamada wareegga seddaxaad ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka soo aadan.

“Waan salaamayaa shaqsi kasta! Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo dhammaan taageereyaasheyda,” Ronaldo ayaa sidaasi ku yiri muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram. “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego inay xaaladdeydu fiican tahay isla markaana aan garoomada kusoo laaban doono anigoo sidii hore ka xoogan. Mahadsanidiin. Cimri dheer ayaan idinkaga soo rajeynayaa Portugal!”