Wararka laga helayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay madaafiic xoogan ku garaaceen Degaanka Dhamase oo qiyaas ahaan 40Km dhanka waqooyi uga beegan Magaaladaasi.
Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay Ciidamo tirsan kuw sugan Xadka kala qeybiya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaan duqeyntaasi ku dhintay Dad iyo Xoolo badan.
Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in Madaafiic xoogan lagu garaacay Degaanka waxaana ay sheegeen in ay soo wajahday baqdin xoogan.
Saraakiish Kenya ayaa aaminsan in Degaanka Dhamase ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab maadaama weeraro ay ka dhacaan Degaanada ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkan duqeynta ahaa oo ka dhacay Degaanka Dhamase oo qiyaas ahaan 40Km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Ceelwaaq.