July 21 (Radiowanlaweyn.com)— Booliska Brazil ayaa xir xiray illaa 10-ruux oo la sheegay inay xubno ka ahaayeen koox la sheegay inay diyaarinayeen weeraro argagixiso inay ka geystaan gudaha Brazil ka hor tartanka Ciyaaraha Olimbikada Adduunka.

Xubnahan ayaa la sheegay in aanay ka tirsan kooxda ISIS, hase ahaatee waxay isku dayeen inay xiriiro la sameeyaan.

Wasiirka Cadaalada Brazil Alexandre Moraes ayaa sheegay in xubnahan ay ku guda jireen marxaladii u dambeysay inay weeraro fuliyaan, balse Booliska ay ka hortageen.

Waxaa uu sheegay in dhamaan dadka la xiray inay ahaayeen dad u dhashay Brazil, balse waxaa la raadinayaa dad ka badan labo ruux.

Booliska ayaa dadkan ka qab qabtay illaa 10-gobol oo ku yaala Brazil, waxaana ay ku wada xiriirayeen oo ay fariimaha isku weydaarsanayeen adeega Whatsapp.

Kooxdan ayaa la sheegay inay hubka nooca Ak47 ka soo iibsadeen dalka Paraguay, balse ma jirto wax cadeyn ah oo arrintan muujinaya.

Golaha Wasiirada Brazil ayaa kulan deg deg ah yeelanaya, iyadoo Xukuumadda ku bixin doonto illaa 24-milyan oo dollar sugida ammaanka inta lagu guda jiro ciyaaraha Olimbikada.