21july2016(radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha Balidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose.
Ujeedka Madaxweynaha uu halkaasi u tagay ayaa ah sidii tababar loogu soo xiri lahaa ciidamo ka tirsan Kumaandooska Somaliya, kuwaasi oo muddo tababaro halkaasi ku qaadanaayay.
Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya, Taliyaha ciidamada Cirka iyo Xubno ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa la socda Madaxweynaha.
Ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa tababarada waxaa lagu siiyaa Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, halkaasi oo ah Saldhiga ay ku sugan yihiin ciidankaasi.
Ciidamo Cadaan ah ayaa bixiya tababarada ay qaataan Ciidanka Kumaandooska Somaliya.
Kumaandooska Somaliya ayaa fuliya weerarada qorsheysan ee laga fuliyo Deeganada ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.