21july2016(radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay xukun deg-deg ah oo muddo saddex bilood soconaya kadib afgambigii dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay dalka Turkiga.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ankara ayaa Erdogan ayaa ku tilaamay xukunka degdega ah in uu yahay mid badbaadinaya shacabkiisa isla markaana dhowraya dimuqraadiyada.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ammaanay dadkii ku dhintey dagaalkii ka dhashay afgambigii dhicisoobay waxana uu ku tilmaamay dadkaas inay ahaayeen shahiidiin.

“Dalku ma illoobi doono geesinimadooda iyo naftii hurnimadooda kuwii naftooda ku waayay afgambigii dhicisoobay.”ayuu sii raaciyay.

Mr Erdogan waxa uu sheegay in dalalka shisheeye inaysan soo farogelin arrimaha gaarka ah ee dalka Turkiga isagoo intaa ku sii daray in dalkiisu uu xaq u leeyahay in uu go’aan ka gaaro halka uu wajahayo.