21July2016(radiowanlaweyn.com)-Kuxigeenkii xoghayaha joogtada ah ee xafiska Raysulwasaaraha Dowlada Fadaraalka Somalia Maxamed Yuusuf Aaadan(Maxamed Khayr) ayaa saaka isagoo mayd ah laga helay hoteel uu ka daganaa magaalada Nairobi.Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.Marxuumka ayaa horay udaganaan jiray dalka Belgium ka hor inta uusan ku laabanin Somalia.Inaa Lilaahii wa inaa Ileyhi Raacijicuun.Allah ha unaxariisto ehelkii iyo qarabadii uu ka baxayna samir ha ka siiyo, Aamiin.