21July2016(Radiowanlaweyn.com)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga baxay Fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Misaajid Cali Gaduud iyo Tuulooyin hoostaga deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in markii Ciidamada dowladda ay faarujiyeen deegaankaasi Misaajid Cali Gaduud ay soo galeen deegaanka Al Shabaab.
Waxaana Al Shabaab ay ay dab qabadsiiyeen Teendhooyin iyo agab ay Ciidamadu uga tageen halkaasi.
Hase ahaatee saacado kadib Al Shabaab qudhooda ayaa isaga baxay deegaanka Misaajid Cali Gaduud.
Ciidamada dowladda ee isaga baxay Misaajid Cali Gaduud ayaa gaaray degmada Cadalle ee Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.