21july2016(radiowanlaweyn.com)- Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay Xarunta Isbitaalka Deva oo ay maamusho Hey’adda Nile Organization ee Turkiga, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Hey’addaas inay dalka uga baxdo todobaad gudihiis.

Sida ay sheegayaan warar aanu heleyno Ciidamadan ayaa loo geeyay Isbitaalka inay sugaan amnigiisa iyo in aanu dhicin bililaqo, marka la gaaro waqtiga kama dambeysta ah ee maamulka Isbitaalka lala wareegayo.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in laamaha ammaanka ka codsatay in ciidamo la geeyo Isbitaalka.

Isbitaalka Deva ayaa ah Isbitaal gaar ah oo hoos-taga Hey’adda Nile Organization oo ka mid ah Hey’ado uu leeyahay Wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka Fethullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay.

Hey’adda Nile ayaa xarumo isugu jira Iskuulo iyo Isbitaalo ku leh magaalada Muqdisho, waxaana dhamaan xarumahaas ay yihiin kuwo dadka looga qaado lacago xad-dhaaf ah, marka la bar baro dhigo Isbitaalada kale ee gaarka ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay si wada jir ah u balan qaadeen in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan, Maamul cusubna loo yeeli doono