Telefishinka Dalka Jabuuti ayaa shaaciyey Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Ismail Omar Gelle ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey sda ay Dowladiisa ka go’an tahay inay Somalia ka taageeraan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Deganaanshaha iyo Nabadda.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud shalay kula kulmay Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali oo ka socday Shirweynihii 27-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika.
Madaxweynaha Jabuuti, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay garab taagnaan doonaan Ummadda Soomaaliyeed, ilaa ay dib uga hananayaan Ammaanka iyo Deganaanshaha dalkooda. Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Jabuuti gacan ka geysan doonto Taabagelinta Doorashada Madaxtinimadda iyo Barlamaanka ee ka dhici doonta Somalia bisha soo socota.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka mahad celiyey Taageeradda Walaaltinimo ee ay Dowladda iyo Shacbiga Jabuuti la garab taagan yihiin Somalia tan iyo sannadkii 1999-kii. Waxa uu intaasi ku daray inay Jabuuti taageero ka geystaan Nabadda, Deganaanshaha iyo Siyaasadda Somalia, isla markaana ay Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM ka hawlgalaan Gobalka Hiiraan.
Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka go’an tahay inay Doorashadda qabsoonto xilligii loogu talagalay, isla markaana ay muhiim tahay inay ku dhacaan Hab Dimuqraadi ah.