19july2016(radiowanlaweyn.com)-Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo kaaliye macalin ah ayaa sheegtay inay dhibaato ku qabto timo kaga soo baxay qeybo ka mid ah jirkeeda sida gaweyn oo ay yeelatay iyo timo uga soo baxay xabadka iyo meelo kale oo jirkeeda ka mid ah.
Haweeneydaan oo magaceega la yiraahdo Harnaam Kaur, ayaa sheegtay in inkastoo ay dareensan tahay inay qof dumar ah tahay haddana ay bulshada kala kulanto dhibaato iyo dhaleeceyn joogto ah.
Marka loo eego sawiro laga qaaday haweeneydaan Hindida ah waxay leedahay Gar weyn oo gaaraya illaa xabadkeeda.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in sida Ragga oo kale ay xabadka ama laabta timo badan ay ku leedahay.
Ayadoo 11 sanno jir ah ayay xustay inay isku aragtay timaha kasoo baxaya laabteeda iyo garkeeda .
Dhawr jeer ayay xustay Harnaam Kaur, inay xiirtay hase ahaatee ay mar dambe joojisay sababtoo waxaa ka hor istaagay wadaad Singe Siinge ah oo ah qolada Timaha caabuda ee Hindiya ku nool.
Dhibaatadda ugu badan waxay ku sheegtay inay kala kulmi jirtay ardayda ay iskuulka isla dhigan jireen haddana aysan inta badan dibbadda u bixin sababtoo ah waxay tiri dadka ayaa iskay tusa oo isoo wada fiiriya inta aan wadada marayo.
“Markii aan yaraa wal walka ay waalidiintaydu qabeen waxay aheyd inaan la I guursan doonin ama aanan shaqo helin” ayay tiri haweeneydaan oo la hadashay warbaahinta dalka Hindiya.
Ugu dambeyn waxaa ay xustay inay maalin walba la kulanto dad u hambalyaynaya iyo kuwa wax ka sheega oo ku dhaliila inay timaha si ku talo gal ah u daysay.
Waa ay yar tahay in dunnida lagu arko qof dumar ah oo meelo uun ka shabahda ragga.

W/D: ismaaciilmitre
Email: radiowanlaweyn@gmail.com