19.luulyo.2016 (radiowanlaweyn.com)-Wararka ayaa sheegaya in Afar iyo toban qof oo rayid ah ay ku dhinteen hawlgal ciidamada Itoobiya ka sameeyeen tuulada Wardiile oo ku dhaw deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay.

Dilka dadkan rayidka ah ayaa dhacay shalay galinkii danbe.

Dadka la dilay waxa kamid ahaa culimo iyo odayaal.

Sida uu warbaahinta usheegay  Cabdiqaadir Cali Xasan, oo horey gudoomiye ku xigeen uga soo noqday deegaanka Awdiinle isla markaana aabihiis lagu dilay hawlgalkaasi.

War AMISOM ay ku qortay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay, in ay soo gaareen wararka ku saabsan in dad rayid ah ay ku dhinteen intii uu socday dagaal ka dhacay tuulada Wardiile ee gobolka Bay oo u dhaxeeyay AMISOM iyo Al-Sahbaab sida ay ku doodayso AMISOM.

AMISOM waxaa kaloo ay ku sheegtay warka kooban ee ay soo dhigtay barteeda twitter-ka in ay si dhaba u qaadanayso wararkaas, isla markaana ay bilaabayso baaritaan, wixii ka soo baxana la soo bandhigi doono iyadoo lala kaashanayo dawladda Soomaaliya.

By: ismaaciilmire

Email: radiowanlaweyn.com