19.luulyo.2016(radiowanlaweyn.com)-Madaxa hayadda daryeelka carruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegay in HIV/Aids inuu yahay waxa ugu badan ee ay u dhmanayaan dadka da’dooda u dhacxaysa 10 ilaa 19.

Anthony Lake ayaa sheegay in tirada dadka u dhimanaya cudurka ay laba jibaarmatay tan iyo sanadkii 2000.

Wuxuu ka hadlayay shir caalami oo Aids-ka looga hadlayo oo ka socda Koonfur Afrika.

Siddeed iyo toban kun oo wakiilo ayaa jooga shirka oo loogu tala galay in lagu dadajiyo sidii loo dhimi lahaa cudurka.

Adduunka wuu ka yaraaday Aidska, laakiin meelaha qaar ayuu ku batay