(radiowanlaweyn.com)-Magaalada Hargeysa waxaa shaley galab ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.

Waxaa geerida fanaanka Shay Mire Dacar u xaqiijiyay warbaahinta walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.

Wuxuu sheegay in mudaba uu xanuun u jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.

Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso.

Intii danbe wuxuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.

by: ismaaciilmire

Email: radiowanlaweyn.com