Dowlada Turkiga ayaa u xirtey dad gaaraya lix kun oo ruux fal lug ku leh afgambigii dhicisoobay iyadoo Madaxweyne Erdogan uu ku dhaartay in uu ka sifeynayo dalkiisa wax uu ugu yeeray feeras ama cudur dhaliye ku dhex jira.

Dadka la xirxirey ayaa waxaa ka mid ah la  taliyihii arrimaha Milatariga Madaxweyne Erdogan Col Ali Yazici iyo qaar ka mid ah taliyaasha ciidamada oo ay ka mid yihiin taliyaha guutada saddexaad Gen Erdal Ozturk, taliyaha guutada labaad Gen Adem Huduti iyo taliyihii hore ee ciidamada cirka Akin Ozturk.

Sida ay daabacday BBC tirade dadka ku dhintey labadii maalmood ee la soo dhaafay dalka Turkiga ee arrimaha afgambiga ayaa waxa ay gaarayaan 290 ruux kuwaasoo boqol ka mid ah ay ahaayeen dadkii ku lug lahaa iskudayga afgambi.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay kala kulmeen iska cabin qaar ka mid ah xubnaha afgambiga ka dambeeyay markii la doonayay in la soo qabto. Saraakiil aan magacooda la shaacin ayaa waxa ay sheegeen in rasaas digniin ah lagu ridey garoonka diyaaradaha labaad ee magaalada Istanbul iyo weliba saldhig Milatari oo ku yaal bartamaha gobolka Konya.

“Waxaan sii wadi doonaa in aan ka nadiifino faayraska dhamaan maamulka, sababtoo ah feeraska wuxuu u fiday sida kansarka oo kale dalka oo dhan,”ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan isagoo ka qeybgalay aas loo sameynayay qaar ka  mid ah dadkii ku dhintey afgambiga.Madaxweyne Erdogan ayaa ku celiyay eedeyntii uu u soo jeedinayay wadaadka Turkiga ah ee ku nool dalka Maraykanka Fethullah Gulen inuu ka dambeeyay isku dayga afgambi, hase yeeshee Mr Gulen ayaa si xoog leh u beeniyay eedeyntaas.

Dadka la xirey ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah taliyaha saldhig ay ciidamada cirka ku lahaayeen Koofurta dalka Turkiga Gen Bekir Ercan Van iyo toban askari iyagoo loo haysto ku lug lahaanshaha afgambiga guuldareystey.

Wararka ayaa waxa ay intaa raacinayaan in tiro ka badan konton oo ah ciidamo ka howlgalayay Gobolka Galbeedka ku yaal ee Denizli xabsiga loo taxaabay. Sidoo kale xariga kuma eka oo kaliya ciidamada hase yeeshee waxaa ka mid ah xaakimiin ka shaqeynayay maxkamada dalka Turkiga waxaana ka mid ah xaakimiintaas Alparslan Altan oo caan ka ah dalka Turkiga iyo qaar kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay dowlada Maraykanka inay u soo gacangeliso Fethullah Gulen oo 75 sano jir ah kaasoo hogaamiye ka ah dhaqdhaqaaqa Hizmet waxaana la sheegayaa in ay taageero u hayaan taliyaal ka mid ah milatariga dalka Turkiga.

Hase yeeshee Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ayaa sheegey in haddii la doonayo in loo gacan geliyo wadaadkan dowlada Turkiga looga baahan yahay inay la timaado cadeymo la xiriira ku lug lahaanshihiisa afgambiga.

xarig turkey (1)

xarig turkey (2)

xarig turkey (3)

xarig turkey (4)

xarig turkey (5)

xarig turkey (6)