Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay howlihii mashaariic ay Hey’adda Nile ka waday Soomaaliya, kaasoo la sheegay inay lahaayeen Kooxdii ku lugta laheyd afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga.

Hey’adda Nile ayaa waxaa lala xiriiriyay inuu madax ka ahaa Wadaadka Fathullah Gullen oo dowladda Turkiga ku eedeysay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay.

Dowladda Turkiga ayaa ku wargelisay dowladda Soomaaliya in la xiro Hey’adda Nile oo xarumo isugu jira Isbitaalo iyo Dugsiyo waxbarasho ku leh.

Golaha Wasiirada oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si buuxda isugu raacay in shaqada laga joojiyo Hey’adda Nile.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa muddo todobo maalmood u qabtay inay dalka uga baxaan howl wadeenada Hey’adda Nile ee ku sugan magaalada Muqdisho

Nile Academy ayaa maamusha dugsiyo waxbarasho iyo Isbitaalo waxaana ka mid ah Isbitaalka Defa iyo Dugsiga waxbarashada ee Buulo Tikniko iyo dugsi waxbarasho oo ku yaala dhismihii Dugsigii sare ee Banaadir.

Golaha Wasiirada ayaa mar kale adkeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga inuu sii jiri doono, isla markaana ay sii socon doonaan howlaha mashaariicda Turkiga wado